Ururrada shaqaalaha ee Tunisia oo dibadbax dhigaya

0
372

Waxaa dalka Tunisia maanta ka dhacaya dibadbaxyo ay sameynayaan ururrada shaqaalaha ee wadankaasi.
Howlwadeenada ayaa doonaya inay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan isbeddellada dhaqaale ee maamulka madaxweyne Kais Saied .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo taraysa mucaaradnimada ka dhan ah dowladda dalkaasi oo lagu eedeynaya keli talisnimo iyo wax ka qabasha la’aanta dhaqaalaha sii liicaya.