Waxaa shaqo joojin labo cishe ah billaabay xubnaha ururka shaqaalaha ee dalka Nigeria ee Nigeria Labour Congress.
Tallaabadan ayaa ah midii labaad ee ay ku dhaqaaqeen muddo bil ah.
Waxay ka cabanayaan sicir barar nololeed oo wadankaasi ka jiro oo ay u aaneynayaan in dowladda Nigeria ay meesha ka saartay miisaaniyad ay ku kabi jirtay adeegyada batroolka.
Howlwadeennada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan digniinta ay u jeedinayaan dowladda dalkaasi ilaa iyo inta laga xallinaya tabashooyinkooda.
Madaxa ururka shaqaalaha ee Nigeria ,Joe Ajaero ayaa sheegay in haddii aan la qaadin tallaabooyin xal u noqon karo qiimaha sarreeya ee maciishadda in labo toddobaad gudahooda uu hakad geli karo dhaqdhaqaaqa howlaha dhaqaale ee dalkaasi.
Waxyaabaha ay shaqaalaha dalbanayaan waxaa ka mid ah in mushaar kordhin loo sameeyo .
2-dii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay soo afjareen shaqo joojin ka dib kulan ay la qaateen madaxweyne Tinubu.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha Nigeria Bola Axmad Tinubu uu waxba kama jiraan ka soo qaaday miisaaniyaddan.