Mas’uuliyiinta ururrada caafimaadka ee dalka ayaa dowladda u qabtay muddo 60 cishe ah oo ay dib ugu billaabaysa wada hadalladii ku saabsanaa mushaaraadka ee (CBA).
Waxay doonayaan in muddadan gudaheeda la saxiixo heshiiska sidoo kalena la dhaqan geliyo haddii kale inay dhigayaan qalabka ay ku shaqeeyaan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in dowladda ay ku fashilantay fulinta qodobbadii lagu heshiiyay ee suurtageliyay in dhakhaatiirta daawooyinka bixiya ay sanadkii 2017-kii dib ugu laabteen goobahoodi shaqo.
Howlwadeennada oo isugu jiro kuwa daawooyinka bixiya , kalkaaliyeyaasha, kuwa farmashiyada iyo saraakiisha nafaqada ayaa hadda dalbanaya in wasaaradda caafimaadka iyo ismaamullada ay dhamaan saraakiisha caafimaadka ee guud ahaan wadanka siiyaan mushaar ay ku qanci karaan sidoo kalena la wanaajiyo xaaladaha shaqo.
Madaxda ururradan ayaa sheegaya in saraakiil caafimaad oo badan ay hadda dalal kale ka raadsanayaan shaqooyin mushaar ahaan wanaagsan tani oo caqabad ku ah hannaanka caafimaad ee dalka.