Ururrada bulshada oo soo dhaweeyay go’aan maxkamadeed oo ka dhan ah Sonko

0
439

Xarunta qaran ee ururrada rayidka ee (KNCSC) ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku ammaantay go’aankii ay Jimcihii ka qaadatay Mike Sonko.
Guddi garsoorayaal ah oo ka kooban 7 xubnood ayaa 15-kii bishan ayiday go’aankii bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii ay wakiillada ismaamulka Nairobi xilka uga qaadeen Mike Sonko.
Xaakinnada ay hoggaaminaysay madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa sheegay in xilka qaadistii Sonko oo uu sidoo kale ansaxiyay aqalka sare loo maray qaab sharci ah.
Ururrada bulshada ayaa sheegaya in maxkamaddu ay xaqiijisay cutubka 6-aad ee dastuurka dalka oo qeexaya hoggaanka wanaagsan iyo hufnaanta.
Bayaan uu soo saaray agaasimaha fulinta ee xarunta KNCSC Suba Churchill ayaa waxaa ku cad in maxkamadda ugu sarreysa dalka ay si la mid ah midda sare iyo racfaanka muujisay mas’uuliyad sharciyeed oo ku saleysan dastuurka dalka.