Xubnaha ururrada bulshada ee dalka ayaa ciidamada booliiska uga digay inay awood xad dhaaf ah adeegsadaan marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Shir jaraaid oo ay maanta si wada jir ah u qabteen ayay mas’uuliyiinta ururrada rayidka ku dalbadeen in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo dhimashada 6 qof oo looga takhalusay dibadbaxyadii dhacay maalinkii Jimcada ee toddobaadkii hore.
Peter Kiama ayaa sheegay inay qasab tahay in cadaaladda la hor keeno saraakiisha ammaanka ee dilalka gaystay.
Sidoo kale waxay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA ugu baaqeen inuu baaritaano dabagal ah ku sameeyo dhacdooyinka ay booliiska ku xiraan dadweynaha ka qayb qaadanaya mudaaharaadyada iyo xadgudubyada kale ee lagu eedeeyo inay ku kacaan.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayay u soo jeediyeen inuu saraakiisha ku boorriyo tixgelinta xuquuqaha aasaasiga ah marka ay la tacaalayaan dibadbaxayaasha.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa qorsheynaya inuu berri dhigo dibadbax waxaana arrintan digniin adag ka soo saaray wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki oo sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda uga diyaar garoobeen ka falcelinta qorshaha mucaaradka.




