Ururka Xisbullah oo laga dilay 9 xubnood

0
210

Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa sagaal xubnood oo ka tirsanaa ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan in weerar lagu dilay.
Weerarkan oo ay fulisay Israa’iil ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Yazbek.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay iskudhacyo ka socdaan xadka Israa’iil iyo Lebanon.
Hoggaamiyaha ururka Xisbullah , Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dagaalyahaanadiisa aynan dagaal ka cabsi qabin in kastoo uu ka gaabsaday inay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.