Ururka UASU oo sheegay in aynan jaamacadaha ka socon waxbarasho

0
637

Ururka ay ku mideysan yihiin bareyaasha jaamacadaha dalka ee UASU ayaa beeniyay sheegashada wasaaradda tacliinta ee waddanka ee ah in howlaha waxbarashada ee jaamacadaha dowladda ay socdaan.
Xoghayaha Guud ee UASU Dr. Constantine Wasonga ayaa xusay intaasi aynan sax ahayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan shaqo joojinta ay ku guda jiraan in ka badan 40 cishe.
Xoghayaha ayaa sheegay in bareyaasha jaamacadaha dowladda ee dalka aynan fasallada dib ugu laaban doonin ilaa iyo inta looga wareejinaya lacag dhan 7.9 bilyan oo shilin sidii ay horay ugula heshiiyeen dowladda.