Ururka shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ka soo horjeestay canshuurta la soo jeediyay

0
364

Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee (KEPSA) ayaa ku baaqay in dib loo dhigo qaar ka mid ah soo jeedinta hindise sharciyeed la xiriira canshuurta.
Waxaa ay ka digeen hirgelinta qaar ka mid ah canshuurta la soo jeediyay.
Ururka KEPSA ayaa xusay in haddii canshuurta la soo jeediyay la dhaqangeliyo ay saameyn ku yeelan doonto maalgashatada gudaha iyo kuwa shisheeye.
Waxaa canshuurta la soo jeediyay ka mid ah isbeddel lagu sameeyay xeerarka canshuuraha si dowladdu ay sanad maaliyadeedkan u hesho dakhli dheeraad oo ah in ka badan 178 bilyan oo shilin.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu daboolo gaabadka miisaaniyadeed ee ka dhashay tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee Finance Bill 2024 ee ay kenyaanka si wayn uga soo horjeesteen si raasimaal loogu helo fulinta mashaariicda horumarineed.