Xubnaha ururka shaqaalaha duullimaadyada dalka ee (KAWU) ayaa meesha ka saaray digniin ay shalay soo bandhigeen oo ahayd inay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan.
Xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha duullimaadyada wadanka ee KAWU ,Moss Ndiema ayaa maanta shaaciyay isbeddelka ku yimid go’aankoodii hore.
Waxaa uu xusay inay sugi doonaan inta ay heshiis ka gaarayaan ururka duuliyeyaasha dalka ee KALPA iyo maamulka ishirkadda Kenya Airways.
Ndiema waxaa uu intaasi ku daray in iyaga ay tabashooyin ka qabaan maamulka maareeya garoomada diyaaradaha wadanka ee KAA halka duuliyeyaasha ay is hayaan shirkadda KQ sidaas awgeedna aynan diyaar u ahayn inay jahawareer abuuraan.




