Ururka Shaqaalaha Duulista Kenya oo shaqo shoojin sameeyay

0
90

Hay’adda uqaabilsan Garoomada Diyaaradaha ee Kenya ayaa ku dhawaaqday dib u dhacyo saameynaya duulimaadyada ka baxaya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi sababo la xiriira shaqo joojinta ay ku dhaqaaqeen Ururka Shaqaalaha Duulista Kenya (KAWU).
arrintan waxay ka dhasheen muran shaqaale oo u dhexeeya KAWU iyo Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Kenya (KCAA).
KAWU waxay ku dhawaaqday in xubnaheeda ay shaqo joojin sameyn doonaan , ka dib ogeysiis shaqo joojin ah oo 7 maalmood ah oo loo diray KCAA.
Shirkadaha diyaaradaha ee waaweyn, oo ay ku jirto shirkadda Kenya Airways, ayaa rakaabka ku wargeliyay cillado duulimaad oo ka jira JKIA laga bilaabo Isniinta, maanta ah oo ku beegan 16 Febraayo 2026.
War-saxaafadeed Isniinta maanta ah soo baxay, ayaa lagu sheegay in duulimaadyada bixitaannada iyo imaanshaha ay shaqo shoojinta saameeyeen , iyadoo rakaabka Kenya Airways kula talisay inay filayaan hagaajinta jadwalka ee dib u dhaca ku yimid.