Ururka qareennada dalka oo sheegay in uu maanta dibadbax ka sameyn doono xarunta dhexe ee DCI-da

0
183

Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee (LSK) ayaa xubnihiisa ugu baaqay in ay maanta bannaanbax ka dhigaan afaafka hore ee xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Madaxa LSK ,Eric Theuri ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka war heleen in Jimcihii la afduubtay qareen lagu magacaabo Beatrice Ngethe.
Waxaa uu Theuri ku andacoonaya in haweeneydan ay gacanta ku dhigeen dambi baarayaal ka dib markii ay talo sharciyeed siisay qof macaamiil u ahaa.
Madaxa ururka qareennada wadanka ayaa saacado ka hor sheegay in Beatrice aan meel lagu ogeyn.
Hasa ahaate warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in haweeneydan laga soo siidaayay saldhigga booliiska ee Pangani.
Waxaa la qabtay ka dib markii uu xabsiga ka baxsaday eedeysane loo haysto inuu gabadh ay wada sheekeysanayeen ku dilay Maraykanka.
Tuhmanaha oo ku jiray saldhigga booliiska ee Muthaiga ayay u suurtagashay inuu baxsado ka dib markii uu fursad u helay inuu la hadlo qareenkiisa oo halkaasi ugu tagtay.
In kastoo aan weli Kelvin Kinyanjui Kang’ethe gacanta lagu soo dhigin waxaa shaqada laga joojiyay afar sarkaal oo xilligaasi shaqada ku jiray.