Ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare ee dalka ee KUPPET ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay u hoggaansanto amarkii ay maxkamaddu ku joojisay qorshaha lacagaha laga qaado ardayda lagu bixinaya barta dhijitaalka ee E-Citizen.
Xoghayaha guud ee ururka KUPPET ,Akello Misori ayaa sheegay in aynan ka soo horjeedin adeegsiga tiknolojiyadda balse loo baahan yahay in arrinkan laga qayb geliyo dadweynaha ka hor inta aan lagu tallaaba qaadin.
Akello ayaa ka dib kulan uu ismaamulka Kirinyaga kula qaatay mas’uuliyiinta ururka macallimiinta ee KUPPET ee gobolka Bartamaha dalka sheegay in haddii qorshaha dowladda la dhaqangeliyo , in carruurta ka soo jeedo qoysaska danyarta ah aynan u suurtageli doonin inay dugsiyada tagaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waalidiin badan oo ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka ay qarashaadka waxbarashada ee fiiska ku bixiyaan dalagyada uga soo go’o beeraha.
Waxaa uu wasaaradda waxbarashada ee dalka ka dalbaday inay faahfaahin dhameystiran ka bixiso sababta lacagaha fiiska loogu bixinaya barta eCitizen .
Waxaa uu Akello Misori wasaaradda tacliinta ee dalka u bandhigay inay caddeyso sida waalidiinta aan haysan shaqooyinka rasmiga ah ee soo saarta qutul maalmeedka qoysaskooda ay ugu suurtageli karto inay nidaamkan lacagaha ku bixiyaan.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa horay u sheegtay in ujeeddada laga leeyahay qorshahan ay tahay in lala dagaallamo musuqmaasuqa oo maamulayaasha dugsiyada lagula xisaabtamo adeegsiga lacagaha ay bixiyaan ardayda.
Home Wararka Kenya Ururka macallimiinta ee KUPPET oo doonaya in dowladdu ay u hoggaansanto amarkii...