Ururka LSK oo ku hanjabay inuu dacwad ka gudbin doono taliyaha booliiska ee Nairobi

0
263

Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada waddanka ee (LSK) ayaa ku gooddiyay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah taliyaha ciidamada booliiska ee Nairobi Adamson Bungei.
Waxay ku eedeynayaan inuu mamnuucay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa hindise sharciyeedka maaliyadda.
LSK ayaa sheegtay in ay doonaysa in Bungei lagula xisaabtamo waxyeello kasta oo ay ciidamada booliiska shalay u gaysteen kenyaankii ku dibadbaxayay bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadkii shalay la qabtay la soo siidaayay.