Ururka LSK oo gudbiyay dacwad ka dhan ah lacagaha sanduuqa guriyeynta

0
304

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay qareennada doonayaan in maxkamadda ay soo saarto amar lagu hor istaagaya in maamulka canshuuraha wadanka ee KRA uu uruuriyo lacagaha laga jaraya dadka shaqeeya iyo xarumaha ay ka howlgalaan si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee dowladda dhexe.
Xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023 , farqadiisa 84-aad ayaa waxaa ku qeexan in shaqaalaha iyo shirkadaha ay u shaqeeyaan laga jaraya boqolkiiba min 1.5 ee mushaarka billaha ah si dhaqaalahan ay dowladdu ugu adeegsato dhisidda guriyo tayo ahaan wanaagsan.
Qareenka matalaya LSK , Noel Okwach ayaa sheegay in dhaqangelinta xeerkan aynan caqli gal ahayn maadaama howlwadeennada lagu qasbaya inay lacagahan bixiyaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay halis ku tahay danaha bulsho iyo kuwa dhaqaale ee muwaadiniinta marka la eego mabda’a cadaaladda bulshadeed.
LSK ayaa maxkamadda u bandhigtay in dastuurka wadanka uu qabo in laan kasta oo dowladda ka tirsan sida golaha fulinta iyo baarlamaanka ay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan xeerarka wadanka u degsan.
Ururka qareennada dalka ayaa xusay in xeer kasta oo uu baarlamaanka ansixiyo oo aan waafaqsanayn dastuurka uu sharci darro yahay.
LSK ayaa sidoo kale sheegtay inay suuragal tahay in maamullada ay ku tagriifalaan awoodda ay u leeyihiin canshuur qaadidda sidaasi awgeedna uu dastuurka shacabka ka difaacaya in si khaldan loo adeegsado awood maamul.
Ururka garyaqaannada wadanka ayaa tilmaamay in dadweynaha aan si buuxda looga qayb gelin ansixintii xeerkan waxayna doonayaan in dacwaddan ay ka soo jawaabaan baarlamaanka dalka , Guddoomiyaha guud ee maamulka canshuuraha ee KRA iyo xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi.
LSK ayaa codsatay in maxkamadda ay arrintan ka soo saarto go’aan degdeg ah maadaama wasaaradda guriyeynta ay horraantii toddobaadkan wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaacisay in lacagaha mushaaraadka shaqaalaha laga jaraya ay dhaqan galeen laga soo billaabo 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Doodda ururka qareennada waxaa qayb ka ah in aynan jirin sabab macquul ah oo ay dowladdu shacabka ugu qasbi karto inay lacago ku biiriyaan barnaamij iyadoo kenyaanka intooda badan ay la daala dhacayaan xaalado dhaqaale oo adag halka laga qaado canshuur kala duwan.
LSK waxay sidoo kale sheegtay in barnaamijkan uu culeys saaraya shaqaalaha iyo shirkadaha loo shaqeeyo labaduba.
Ururka ayaa tilmaamay in dhaqangelinta nidaamkan ay hoos u sii dhigi doonto heerka shaqaaleysiinta ee wadanka iyadoo ay hadda gudaha wadanka ka jirto shaqo la’aan ballaaran.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhowr mar sheegay in qorshahan uu yahay mid kenyaanka loogu fududeynaya inay helaan guriyo ay ku degi karaan qiimo ay awoodaan si mustaqbalka meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah.
Dhawaan ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay meesha ka saartay amar horay dowladda uga hor istaagayay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Garsoorayaasha kala ah Maxamad Warsame,Kathurima M’inoti iyo Hedwig Omondi ayaa cuskaday in haddii aan xannibaadda la qaadin ay ka dhalan karto saameyn dhaqaale oo aan dib uga laabasho lahayn.