Ururka KNUT laantiisa Garissa oo ku baaqay in dowladda ay xaqiijiiso badqabka macalliiminta

0
335

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamulka Garissa iyo ururka macallimiinta dalka ee KNUT laantiisa dowlad deegaankaasi, ayaa ugu baaqay dowladda inay xoojiso xaaladda badqabka ee macallimiinta ka howlgala deegaannada ku yaalla ismaamullada gobolka Waqooyi Bari.
Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Garissa Township Deeqow Maxamad Barrow ayaa sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay dowladda, sidii dugsiyada dalka oo dhan ay u heli lahaayeen macallimiin ku filan.
Nathiif Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka deegaanka ay diideen barashada culuunta macallinimo.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo maamulka dowlad deegaanka Garissa uu ballanqaaday in ardayda soo dhameysay dugsiyada sare ay u fidinayaan deeqo waxbarasho.