Ururka kalkaaliyeyaasha oo shaqo joojin ku hanjabay

0
161

Ururka qaran ee kalkaaliyeyaasha dalka ee (KNUN) ayaa wacad ku maray in ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan haddii aan tallaabo laga qaadin shakhsiyaad weeraray kalkaaliyeyaasha ismaamulka Siaya oo dibadbax sameynayay.
Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee KNUN Maurice Opetu ayaa cambaareeyay falkaasi oo dhacay Talaadadii.
Waxaa uu sheegay in weerarkaasi uu muujinaya in ismaamulka Siaya uunan ahayn meel ay shaqaalaha caafimaadka uga howlgeli karaan si nabad ah.
Waxaa uu barasaabka dowlad deegaankaasi James Orengo ka dalbaday inuu raalligelin bixiyo.
Sidoo kale , taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayuu ka dalbaday inuu xaqiijiyo in la soo xiro oo dacwad lagu soo oogo dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhanka ahaa kalkaaliyeyaasha.
Opetu ayaa ku hanjabay in haddii aan sidan la sameyn in ay kalkaaliyeyaasha guda geli doonaan shaqo joojin ay garab istaag ugu muujinayaan dhiggooda ismaamulka Siaya.
Xoghayaha ururka qaran ee kalkaaliyeyaasha dalka ee KNUN laantiisa Siaya ,Kennedy Hamisi ayaa sheegay in la dhaawacay in ka badan 20 saraakiil caafimaad ah.