Ururka ay ku mideysan yihiin haweenka qareennada ah ee FIDA ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu matalo barasaabka ismaamulka Meru ee dhawaan xil ka qaadista lagu sameeyay Kawira Mwangaza marka ay ka soo hormuuqanaysa aqalka sare.
Guddoomiyaha FIDA, Nancy Ikinu ayaa arrinkan ku shaacisay warqad ay u qortay Mwangaza.
Waxay u xaqiijisay in sidoo kale haddii kiiskeeda loo gudbiyo maxkamadda, ay heli doonto matalaad buuxda.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku dartay in ka urur ahaan ay ka walacsan yihiin bartilmaameedsi ay sheegtay in lagu hayo barasaabka Meru.
Talaadadii ayay ahayd markii senatarrada ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ay ku gacan seyreen mooshin ahaa in la soo magacaabo guddi ka kooban 11 xubnood oo eegaya sababaha loo cuskaday xil ka qaadistii Kawira Mwangaza.
Tani ayaa keentay in guddoomiyaha aqalka sare , Amason Kingi uu shaaciyo in haweeneydan ay ka soo hormuuqan doonto dhammaan senatarrada.
Eedeymaha ay u jeediyeen wakiillada hoose ee ismaamulka Meru waxaa ka mid ah qof jecleysi , ku tagriifalka kheyraadka dadweynaha iyo inaynan u hoggaansamin amarrada golaha.
Kawira Mwangaza oo lagu soo doortay si madax bannaan ayaa marar badan sheegtay inaynan wax dembi ah sameyn oo lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed.