Ururka Gaadiidleyda oo ku eedeeyay hay’adaha dowladda kororka shilalka waddooyinka

0
406

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay waddooyinka Kenya shantii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo walaac ku beertay shacabka.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Davis Chirchir ayaa Isniintii sheegay in wasaaraddiisu ay billowday “baaritaannada badbaadada” ee waddanka oo dhan iyo baaritaannada qaybaha waddooyinka ee shilalka u nugul si loo ogaado khataraha, dib-u-dhiska goobaha shilalka, iyo soo jeedinta talooyinka farsamada todoba maalmood gudahood.
Iyadoo Chirchir uu qabo ra’yiga ah in shilalka waddooyinka “laga hortagi karo haddii dhammaan dadka isticmaala waddooyinka ay doorkooda qaataan” Ururka Gaadiidleyda ee dalka (MAK) ayaa eedeyn dusha ka saaray hay’adaha dowladda.
Gaadiidleyda ayaa qoraal ay u direen warbaahinta waxaa ay ku sheegeen in dowladda ay sameyneyso dhoolatus xiriir dadweyne iyadhoo inta badan hay’adaha dowladda ay iska indo tiraan shuruucda waddooyinka.
Ururka ayaa sheegay in hay’adaha sida maamulka qaran ee badbaadada gaadiidka ee NTSA ay wax yar ka qabanayaan dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka imaanaya dhanka amaanka waddooyinka.
Waxaa ay ku eedeeyeen hay’adaha inay qaataan laaluush si ay isaga indo tiraan ku xadgudubka shuruucda waddooyinka.
MAK ayaa sidoo kale ku eedeeysay NTSA in ay siisay shatiyo darewalo aanan ku habeneyn wadista baabuurta kadibna ay ku eedeeyaan shilalka ay geestaan.
Ururku ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay wasaaradda Waddooyinka in ay ka gaabisay in ay wax ka qabato nashqadaha kaabayaasha liita sida wareega Coptic ee Kisumu ee caanka ku ah shilalka. Waxaa ay sidoo kale tilmaamaan in waddooyinka Ruiru, Mutindwa, Moredat iyo Dandora ay ka mid yihiin kuwa ugu shilalka badan waddanka.
MAK ayaa sidoo kale cambareyn u jeedisay waaxda Tareenada dalka oo ku guul dareystay inay sameyaan astaamo cad oo lagu dhiso isgoyska waddada Tareenka iyo baabuurta.