Ururka dhakhaatiirta ee KMPDU oo ku dhawaaqay shaqo joojin berri billaabanaysa

0
180

Ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa shaaciyay in xubnaha ka tirsan ay laga billaabo berri oo Khamiis ah guda geli doonaan shaqo joojin qaran.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr.Davji Atellah.
Tani ayaa timid ka dib markii uunan is-afgarad ka soo bixin wada hadallo socday oo u dhexeeyay ururka dhakhaatiirta dalka iyo wasaaradda caafimaadka.
Howlwadeennada ayaa wasaaradda ka dalbanaya in ay dallacsiin u sameyso dhakhaatiirta sidoo kalena la shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee qaatay tababarrada shaqo.
6-dii bishan ayay ahayd markii ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU uu soo saaray wargelin toddobo cishe ah oo ku aadanayd in ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
29-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay dhakhaatiirta dhigeen dibadbax xilligaasi lagu dhaawacay Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atellah.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa waxyaabaha ay dalbanayaan dhakhaatiirta ku tilmaantay kuwo aynan suurtagal ahayn in hadda la dhaqangeliyo.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wasaaradda ay hoggaamiso aynan haysan miisaaniyad dhaqaale oo ay ku howlgeliso ugu yaraan 3,000 oo ah ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqo sidaasi awgeedna ay codsi u gudbiyeen wasaaradda maaliyadda ee wadanka.