Ururka caalamiga ee ICJ laantiisa Kenya oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerar lagu bartilmaameedsaday Raila

0
695

Ururka caalamiga ee garsoorayaasha ee ICJ laantiisa Kenya ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo weerar Jimcihii lagu bartilmaameedsaday diyaarad sidday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, xilli uu ku sugnaa deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu.
Weerarkaasi oo dhagaxaan loo adeegsaday ayaa dhacay xilli uu Raila ismaamulka Uasin Gishu kaga qayb galayay aaska ganacsadihii geeriyooday ee Jackson Kibor.
Guddoomiyaha ICJ Kenya Protas Saende ayaa sheegay in dambiilayaasha dhacdadan gaystay loo baahan yahay in si buuxda sharciga loo marsiiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in mas’uuliyiinta weerarkan ku lugta leh la doonaya in lala xisaabtamo.
Mr.Protas Saende ayaa ka codsaday xafiisyada waaxyaha dambi barista iyo dacwad soo oogidda dalka, inay si waafaqsan sharciga ay xaqiijiyaan in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu helo cadaalad.
Weerarka ayay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da sheegtay inay gacan ka gaysteen mudanayaasha laga soo doortay deegaannada Soy iyo Kapsaret ee ismaamulka Uasin Gishu oo kala ah Caleb Kositany iyo Oscar Sudi.
Waxaa sidoo kale weerarka la xiriiriyay afhayeenka golaha hoose ee dowlad deegaanka Uasin Gishu David Kiplagat.
Hasa ahaate xildhibaannadan ayaa iska fogeeyay inay soo abaabuleen weerar lagu qaaday diyaaradda Raila.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa cambaareeyay oo raali gelin ka bixiyay bartilmaameedsiga ka dhanka ahaa Raila, isagoo laamaha ammaanka ku boorriyay inay gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo dhacdadaasi ku lug lahayd.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay dhacdadan, isagoo xusay in ay khatar ku tahay xasiloonida wadanka.