Ururka Badbaadada Mootooyiinka oo walaac ka muujiyay dibadbaxyada

0
93

Ururka Badbaadada mootooyiinka ayaa iska fogeeyay qaskii la arkay intii lagu jiray mudaaharaadyadii Talaadadii ee ka dhacay bartamaha acasimada dalka ee Nairobi kaasi oo dhashay dhimashada Albert Ojwang isagoo ku jira xabsiga booliska.
War qoraal ah oo ka soo baxay ururka laantiisa Nairobi ayaa lagu shaaciyay in xubnahooda aysan ka qeybgali doonin banaanbaxyada la qorsheeyay 25-ka June, inkastoo ay walaac ka muujiyeen rabshadihii dhacay maalintaas, ee lagu eedeeyay inay geysteen rag watay mooto.
Xubnahan ayaa sheegay inay ka war hayaan mudaaharaadyada soo socda toddobaadka dambe , iyagoo ka digay in nooc kasta oo rabshado ahi ay si xun u saamayn doonto ganacsigooda.
Ururka badbaadada Boda Boda ayaa ugu baaqay qabanqaabayaasha dibadbaxa inay ilaaliyaan nabadda.
Taliyaha booliiska ismaamulka Nairobi George Seda ayaa u xaqiijiyay dadka Kenyaanka ah in ay heli doonaan amni ku filan inta lagu guda jiro mudaaharaadyada soo socda ee 25-ka bishan June ee lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay dibadbaxyaashii baarlamaanka qabsaday ee 2024-kii.