Ururada macallimiinta ee dalka ayaa ku eedeynaya guddiga adeegga macallimiinta (TSC) inay ku guuldareysteen inay ku dhaqaaqaan soo jeedinta mushaaraadka, xitaa iyadoo miisaaniyadda dowladda ee 2025-2026 aysan wax qodob ah ka bixin heshiis wadareedka cusub, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo xiisadda ku soo food leh waxbarashada dadweynaha.
Mas’uuliyiin ka kala socda Ururka Macalimiinta Qaranka ee (KNUT), ururka Macalimiinta Waxbarashada Dugsiga Hoose ee Kenya (KUPPET) iyo ururka Macalimiinta Baahiyaha Gaarka ah ee Kenya (KUSNET) ayaa sheegay inay soo gudbiyeen hindise cusub bilo ka hor, balse aysan wax jawaab ah oo macno leh ka helin guddiga TSC.
Ku xigeenka xoghayaha KNUT Hesbon Otieno ayaa sheegay in guddiga uu ka fogaaday la shaqeynta isagoo ku andacoonaya inay talo ka sugayaan guddiga mushaaraadka iyo gunnada.
KNUT ayaa doonaysaa koror boqolkiiba 60 ah mushaharka aasaasiga ah iyo kororka boqolkiiba 30 ee gunnada.
Waxaa kale oo ay doonaysaa in dib u eegis lagu sameeyo Tilmaamaha Horumarka Xirfadda si ay u bilaabaan macalimiin cusub Fasalka C1 halkii ay ka ahaan lahaayeen B5, dallacaadda ku salaysan mudnaanta iyo waayo aragnimada, siyaasadaha fasaxa jirada oo la wanaajiyo, iyo dib-u-eegis lagu sameeyo shuruudaha ka bixida caafimaadka.
Xoghayaha Guud ee KUSNET James Torome ayaa sheegay in guddiga TSC uu garowsaday in la helay soo jeedintooda bishii July 2024, balse wada hadallada weli aysan billaaban.
KUSNET ayaa waxaa ay doonaaysa in boqlkiiba 40 mushaar kordhin loo sameeyo madaxda dugsiyada ee jagada D1 ila D5 iyo 50 boqolkiiba kuwa hoose ee (B5-C5).