Afhayeenka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF Toby Fricker ayaa sheegay inaynan jirin meel ka tirsan Qaza oo ay carruurta ku badbaadi karaan.
Waxaa uu ka dayriyay xaaladaha isbitaallada halkaasi ku yaalla.
Xilli uu la hadlay warbaahinta Aljazeera ayuu sheegay inay aad u adagtay in carruurta ku dhashay qaab dhicis ah ee la geeyay isbitaalka Al-Shifa ay sii noolaadaan.
Tani ayuu u aaneeyay in aynan jirin adeegyada korontada iyo biyaha.
Waxaa uu xusay in beesha caalamka laga doonayo inay xaqiijiso badqabka carruurta Qaza maadaama ay weli socdaan duqeymaha Israa’iil.