UNICEF oo ka dayrisay xaaladda carruurta Qaza

0
239

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF, Catherine Russell ayaa ku baaqday in ay hadda xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza.
Waxay hoosta ka xarriiqday in daqiiqad kasta ay muhiim tahay marka la eego badbaadinta nolosha carruurta Qaza oo wajahaya nafaqo darro ay u dhimanayaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labo dhallaan ah ay Waqooyiga Qaza ugu geeriyoodeen fuuq-bax iyo nafaqo darro sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha qaxootiga ee Falastiin ee UNRWA oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Arbacadii ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay sheegtay in 6 carruur ah ay fuuq-bax iyo nafaqo darro ugu geeriyoodeen isbitaallada Al-Shifa iyo Kamal Adwan ee Waqooyiga Qaza.