UNHCR oo sheegtay in 110 milyan oo qof ay caalamka ku barakaceen

0
256

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka ku barakacay caalamka oo dhan ay gaartay 110 milyan oo qof.
Sanadkii hore keliya waxaa guriyahooda ka qaxay 19 milyan oo qof.
Tiradan ayay qaramada midoobay ku sheegtay midii ugu badnayd ee sanadla ah.
UNHCR ayaa arrimahan shaaca uga qaadday warbixinteeda barakaca ee ay sanadkiiba mar soo saarto taasoo maanta la soo bandhigay.
Madaxa hay’adda UNHCR ,Filippo Grandi ayaa sheegay in boqolkiiba 37.5 ee dadweynaha ku nool caalamka ay yihiin qaxooti iyo magangalyo-doon.