In ka badan 60 kun oo qof oo Soomaali ah islamarkaana u badan haween iyo carruur ayaa ka cararay colaadda ka aloolsan gobolka Sool, iyagoo gaaray deegaannada gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan kala bar dadkaasi ay Itoobiya gaareen horraantii toddobaadkan.
Dadkan ka qaxay colaadda Laascaanood oo daal, diif iyo qarracan uu ka muuqdo ayaa gaaray gudaha Itoobiya, iyagoo kaliya sita alaabo gacan qabsi ah oo ay awoodeen inay qaataan.
Haween ka mid ah dadkaasi oo u warramay shaqaalaha UNHCR ayaa sheegay inay alaabadoodii muhiimka ahaa ay iska iibiyeen si ay isaga bixiyaan qarashaadka gaadiidkii ay soo raaceen.
Qaar badan oo dadkaasi ka mid ah ayaa hay’adda u sheegay inay colaadda Laascaanood ay ku waayeen qaar ka mid ah ehelladooda, kuwo kalena ay kala lumeen intii ay dagaalladu socdeen.
Dadka colaadda ka cararay ayaa la dejiyay 13 xero oo ku meel gaar ah oo ku yaalla magaalooyinka Bookh, Galhamur iyo Danot oo ee gobolka Doolo ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda dadkaasi qaxootiga ah ay ka sii dareyso, maadaama qiyaastii maalin kasta 1,000 qof oo qaxooti ah ay u tallaabayaan dhinaca Itoobiya.
Meelaha la dejiyay qaxootigan ayay hey’addu sheegtay inay yihiin meelihii abaarta ugu ba’an ay ku dhufatay dalka Itoobiya , ka dib shan xilli roobaad oo baaqday.
UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda Gobolka Sool in ay xurmeeyaan badbaadada dadka rayidka ah, iyadoo dhinaca kale deeq bixiyayaasha weydiisatay inay maalgeliyaan qarashka ku baxaya taageerada iyo gargaarka bini’aadnimo ee dadkan cusub ee soo barakacay ay u baahan yihiin.
Each day, around 1,000 Somalis are crossing into #Ethiopia to escape clashes in Laascaanood, Sool region. So far, more than 60,000 have arrived.
Exhausted and traumatized, they need urgent support, including essential aid.
➡️ Read more: https://t.co/qQO7WICL2P
— UNHCR Ethiopia (@UNHCREthiopia) February 18, 2023




