UN:13 carruur ah oo lagu dilay dagaalka Ruushka iyo Ukraine

0
362

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine ay ku dhinteen 13 carruur ah.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha baniaadannimada ayaa tirada shacabka ee halkaasi lagu dilay ku sheegay ugu yaraan 136 qof.
Afhayeenka xafiiska OCHR ,Liz Throssel, ayaa laga soo xigtay in la dhaawacay 400 oo qof oo dheeraad ah.
Waxay intaasi ku dartay inay suurtagal tahay in tirada dhimashada ay ka sarreyso inta ay shaaciyeen.
Haweeneydan ayaa hoosta ka xarriiqday in shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay duullaanka Ruushka ,253 ka mid ah ay ku nool yihiin gobollada Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla bariga wadanka Ukraine.