UN oo sheegtay in cudurka AIDS-ka uu dunida ka dhammaan karo 2030

0
216

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la tacaalidda cudurka AIDS-ka ee UNAIDS ayaa lagu sheegay inay suuragal tahay in xanuunkan dunida laga cirib tiro sanadka 2030-ka.
Hay’adda ayaa hoosta ka xarriiqday in caalamka uu qaadaya tallaabooyin hor u socod leh oo arrinkan ku aaddan .
UNAIDS ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in madaxda siyaasadeed ay muujiyaan inay ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siinaya dadweynaha oo ay maalgeliyaan barnaamijyo isugu jiro ka hor tagga iyo daaweynta fayraska HIV-da oo caddeymo ku saleysan.
Sanadkii 2022, waxaa cudurka HIV-AIDS-ka la noolaa 39 milyan oo qof oo 29.8 milyan oo ka mid ah ay adeegsanayeen daawooyinka xanuunka lagula tacaalo ee ARVs.