UN oo ka hadashay jirdil lagu eedeynaya Ruushka

0
257

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in jirdil ay ciidamada Ruushka u gaystaan maxaabiista lagu qabtay dagaalka Ukraine iyo sidoo kale shacabka wadankaasi ay tahay xeer dowladeed.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wakiilka gaarka ah ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan ka hor tagga jirdilka ,Alice Jill Edwards.
Waxay walaac ka muujisay warbixinno iyo caddeymo tilmaamaya in ciidamada Ruushka ee ku sugan gudaha dalka Ukraine ay si joogto oo ulakac ah dhiibaateyn maskaxeed iyo mid jireed ugu gaystaan maxaabiista iyo rayidka.
Dhaqamada ay xukuumadda Moscow ku eedeysay waxaa ka mid ah adeegsiga waxyaabaha elektoronigga ah,garaac, iyo falal kale oo halis ah oo dhimasho sababi karo.
Waxay Alice Jill Edwards intaasi ku dartay in khuburrada qaramada midoobay ay tabashada ay waxyaabahan ka qabaan qaab qoraal ah ugula wadageen dowladda Ruushka.