UN oo Israa’iil ugu baaqday inay ka laabato amarka daadgureynta shacabka Qaza

0
257

Qaramada Midoobay ayaa Israa’iil ugu baaqday inay ka laabato amarkii ahaa in 24 saacadood gudahooda Waqooyiga Qaza looga saaro 1.1 milyan oo qof oo halkaasi ku nool .
Israa’iil ayaa doonaysa in dadkan loo wareejiyo dhanka Koonfureed.
Tani ayaa loo aaneeyay in maalmaha nagu soo aaddan Waqooyiga Qaza laga fulin doono howgallo amni.
Hasa ahaate Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay inaynan suurtagal ahayn in 24 saacadood gudahooda lagu daadgureeyo 1.1 milyan oo qof tanina ay saameynteeda leedahay.
Dhanka kale ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegaya in duqeymo ay gaysatay Israa’iil lagu dilay 13 qof oo la haystayaal ahaa oo ay ka mid yihiin ajaaniib.
Sidoo kale waxaa daafaha caalamka ka socdo dibadbaxyo lagu taageeraya shacabka Falastiin kuwaasoo ka dhacay waddamada Iiraan, Jordan, Japan iyo Australia.
Boqorka Jordan, Cabdallah II ayaa Israa’iil uga digay inay si qasab ah u barakiciso Falastiiniyiinta xita haddii ay tahay qaab maxalli ah.
Wasiiradda caafimaadka ee Falastii, Mai al-Kaila ayaa waddamada dunida iyo kooxaha xuquuqul aadanaha ugu baaqday inay gacan ka gaystaan in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaarsiiyo Qaza.