Xildhibaanka la magacaabay ee xisbiga ODM UmulKheir Haaruun Maxamed ayaa dib u xaqiijisay sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay in ay awood u yeelato dhallinyarada iyada oo loo marayo tignoolajiyada iyo hal abuurka.
Iyagoo ka mid ah xubanaha Guddiga Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Hal abuurka ayaa UmulKheir Haaruun waxaa ay kaalin mug leh ka qaadanaysaa barnaamijka dhijitaalka ah ee dowladda oo ah hindise qaran oo hami leh oo ujeedadiisa ay tahay in lagu digiteeyo hay’adaha iyo fidinta isku xirka internetka ee dhammaan gobolada iyada oo loo marayo Mashruuca Wifi-ga Dadweynaha ee socda.
Dadaal iskaashi ah oo lala kaashaday dowladda ismaamulka Gaarisa ayaa Xarunta Dhallinyarada iyo Warbaahinta Gaarisa iyo Xarunta Hal abuurka Waqooyi, Xildhibaan UmulKheir waxaa ay fududeysay ku rakibidda Wi-Fi dadweynaha ee bilaashka ah Maktabadda Gaarisa iyada oo gacan ka heleysa Maamulka Tiknoolajiyada iyo Isgaarsiinta ee (ICTA).
Xarunta ayaa sidoo kale lagu rakibay qalabka dhijitaalka ah ee muhiimka ah iyo kaabayaasha kuwaas oo abuuray jawi ku habboon waxbarashada iyo hal abuurka.
Xildhibaanada ayaa talaabada dheeraad ah waxaa ay iyadhoo u mareyso hay’adeeda Umi Foundation waxaa ay dheeq Kombuutaro iyo qalabkaa aasaaska u ah hal abuurka ugu deeqday xaruunta.
Booqashadan ugu dambeysay ee Hay’adda Qaran ee Shaqaaleynta NEA ay ku tagtay Xarunta Gaarisa ayaa hoosta ka xariiqday aqoonsiga sii kordhaya ee dadaallada awood siinta dhijitaalka ah ee ay bulshada waddo.