Ukraine oo soo bandhigtay nin Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka

0
260

Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Caadil Cabdillaahi Maxamad oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 28 sano jir ah, kaas oo ka tegay Muqdisho, laguna qabtay dagaalka Ukraine.
Ninkan oo bixiyay wareysi kooban ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine, iyadoo Ukraine ay horay u sheegtay inuu ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu soo kiraystay dalka Ruushka.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu Ruushka u tagay si uu u helo shaqo milatari.
Waxaa uu intaasi ku daray in loo ballanqaaday baasaboorka wadanka Ruushka iyo lacag ku dhow labo kun oo doolar.
Caadil Cabdillaahi ayaa la qabtay toddobadii bishan.
Ukraine ayaa sheegtay in ninkan Soomaaliga ah uu ka mid ahaa 4 qof oo lagu qabtay dagaalka dalkeeda ka socda.
Waxay sheegtay in Ruushku uu soo kiraystay boqollaal askari oo calooshood u shaqeystayaal ah, si ay ula dagaalamaan ciidamada Ukraine.
Ma jirto macluumaad rasmi ah oo ka madax bannaan Ukraine oo xaqiijin kara in ninkan uu u dagaalamayay Ruushka.
Warar ayaa sheegaya inay jiraan dad muhaajiriin ah oo xoog lagu galiyay dagaalka ka socda Ukarine.