Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday afar ka mid ah gantaallada ay adeegsanayeen ciidamada Ruushka iyo 10 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn.
Militariga Ukraine ayaa xusay in waxyaabahan lagu bartilmaameedsaday xalay.
Bayaanka ciidamada difaaca ee xukuumadda Kyiv waxaa ku cad in Ruushku uu adeegsaday 16 diyaaradood oo drones-ka ah iyo 6 gantaal balse qaar ka mid ah la soo riday.