Ukraine oo sheegtay inay soo ridday gantaallada Ruushka

0
201

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen 29 ka mid ah 30 gantaal oo ay adeegsatay dowladda Ruushka.
Weerarradan ayaa xalay la fuliyey.
Hasa ahaate Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada hawada ee dalkaasi ay soo rideen gantaalladan oo lagu bartilmaameedsanayay magaalooyinka Odesa, Kyiv oo caasimadda ah iyo gobollada kale.
Ruushka ayaa in ka badan hal sano gudaha Ukraine ka wado duullaan militari.