Ukraine oo sheegtay inay soo ridday diyaarado uu Ruushka adeegsaday

0
166

Dowladda dalka Ukraine ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada lagu soo riday 8 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo saddex gantaal.
Ciidamada Ruushka ayaa waxyaabahan ku bartilmaameedsanayay caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo deegaannada u dhow.
Duullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow ka wado gudaha Ukraine ayaa socdo tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore.