Ukraine oo sheegtay inay soo riday 10 ka mid ah diyaaradaha Ruushka

0
303

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in la soo riday ugu yaraan 10 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo uu Ruushku abaare 3-dii habeenimo ee xalay uu ku soo weeraray magaalada Kyiv .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa maamulka militariga ee caasimadda Ukraine, Serhiy Popko.
Waxaa uu intaasi ku daray in diyaaradaha ay dhinacyo kala duwan ka yimaadeen balse durbaba laga war helay oo ay ciidamadu burburiyeen iyagoo adeegsanaya hannaanka difaaca hawada sare.