Ciidamada gaarka ah ee dowladda Ukraine ayaa sheegaya inay dileen 34 ka mid ahaa saraakiisha Ruushka.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in saraakiisha la dilay uu ka mid yahay taliyihii ciidamada Badda Madow ee Ruushka Viktor Sokolov.
Ukraine ayaa intaasi ku dartay in ciidamadan looga takhalusay weerar gantaal loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday xarunta dhexe ee maraakiibta ee dekadda gobolka Crimea ee Sevastopol .
Sidoo kale waxay Ukraine sheegtay in howlgalkaasi Ruushka looga dhaawacay 105 sarkaal oo dheeraad ah.