Ukraine oo sheegtay inay dib ula wareegtay 8 tuulo

0
226

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay ciidamadeeda dib ula wareegeen ilaa 8 tuulo oo uu horay u qabsaday Ruushka.
Waxay sheegeen inay arrimahan u qabsoomeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Dhanka kale xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in madaxda aynan Ukraine ku casuumi doonin inay dalladdan ku biirto xilliga uu qabsoomaya shir la qorsheynaya inuu dhaco bartamaha bisha Toddobaad ee sanadkan.