Ukraine oo sheegtay in Ruushka uu weerar ku dilay in ka badan 6 qof

0
198

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine ayaa sheegay in weerar uu Ruushku fuliyey lagu dilay ugu yaraan 6 ruux halka 8 kalena la dhaawacay.
Madaxa shaqaalaha ee maamulka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy oo lagu magacaabo Andriy Yermak ayaa weerarrada ku tilmaamay kuwo culus.
Shacabkan ayaa galinkii hore ee maanta lagu bartilmaameedsaday magaalada Kostiantynivka ee bariga Ukraine oo ilaa 20 kiilomitir dhanka galbeed uga beegan magaalada Bakhmut.