Ukraine oo sheegtay in Ruushka uu dilay 6 qof

0
301

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay dileen 6 qof ka dib weerarro gantaallo loo adeegsaday oo aroornimadii hore ee maanta lala eegtay magaalooyin dhowr ah.
Sidoo kale waxaa duullaanka ka dhalatay koronto la’aan.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in gantaallada lala dhacay kaabayaasha muhiimka iyo guriyo la deggan yahay oo ku yaalla ilaa 10 gobol.
Waxaa uu xusay in Ruushka uu argagax ku beeray rayidka wadankaasi.
6-da ee la dilay ayaa isugu jiro labo looga takhalusay caasimadda Ukraine ee Kyiv, saddex lagu dilay Kherson iyo qof kale oo lagu dilay magaalada Dnipro.