Ukraine oo sheegtay in Kyiv laga helay in ka badan 1,000 meydad ah

0
699

Dowladda Ukraine ayaa laga soo xigtay in gobolka Kyiv ee wadankaasi lagu arkay meydad gaaraya 1,202 .
Meydadkan ayaa ah shacabka Ukraine oo la rumeysan yahay inay dileen ciidamada difaaca ee dalka Ruushka.
Taliyaha booliska ee gobolka Kyiv Andriy Nebytov ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan qaabka dadkan loo dilay.
Ilaa iyo hadda 280 oo meydadka ka mid ah ayaa la aqoonsaday.