Militeriga dalka Ukraine ayaa sheegay in ilaa 50 ka tirsan ciidamada Ruushka la dilay, lix diyaaradoodna la burburiyay, xilli uu dagaal ka socda gobolka bari ee wadankaasi.
Tani ayaa kusoo iyadoo uu Ruushka weerar ku qaaday dalka deriska la ah Ukraine.
Khudbad uu madaxweynaha Ruushlka Vladimir Putin u jeediyay shacabka wadankiisa, ayuu sheegay in howlgalka looga gol leeyahay in laga dhigo meel militariga ka caaggan iyo cirribtirka Naasiyiinta”.
Weerarro gantaallo loo adeegsaday iyo qaraxyo ayaa laga soo sheegay dhowr qaybood oo ka tirsan Ukraine, oo ay ku jiraan caasimadda Kyiv iyo Kharkiv.