Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladiisa aynan marnaba Ruushka ka oggolaan doonin inuu ka goosto in yar oo dhulkeeda ka mid ah gaar ahaan gobolka Donetsk.
Waxaa uu wacad ku maray in ciidamada Ukraine ay si wayn iskaga caabbin doonaan iskuday waliba oo qorshahan ku aaddan.
Khudbad uu xalay jeediyay ayuu Zelenskyy ku xusay in Ruushka uu si maalinle ah u gaysanaya weerarro heerkoodu sarreeya.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada Ruushka ay la kulmayaan khasaare aan caadi ahayn hasa ahaate ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan gobolka Donetsk balse xita hal taako oo ka mid ah dhulka gobolkaasi aynan qabsan doonin.