Ukraine oo Ruushka ku tilmaantay dowlad ‘argagixiso’

0
322

Dowladda Ukraine ayaa Ruushka oo dalkeeda ku duulay 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ku tilmaantay dowlad argagixiso.
Dareenkan ayay Ukraine ku muujisay kulanka golaha guud ee qaramada midoobay.
Waxay cambaareysay weerarro gantaallo loo adeegsaday oo uu Ruushka dhawaan ku qaaday dhowr magaalo oo ka tirsan Ukraine oo ay ka mid tahay caasimadda dalkaasi ee Kyiv.
Ergeyga Ukraine ee qaramada midoobay Sergiy Kyslytsya ayaa sheegay in Ruushka uu mar kale cadeeyay inuu yahay dal argagixiso sidaas awgeedna la doonayo in sida ugu adag wax looga qabto.