Ukraine oo ciidamadeeda ka saartay Kharkiv

0
407

Ukraine ayaa sheegtay in ay ciidamo kala baxday meel u dhow tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi ee Kharkiv.
Ciidamada Ruushka ayaa halkaasi ku sii fogaanaya iyagoo weerarro hor leh ku bartilmaameedsanaya degmooyin u dhow xadka labada waddan.
Ruushka ayaa dhanka kale sheegay in garoon diyaaradeed oo muhiim ah oo u dhow magaalada Kazan oo ilaa 1,000 kiilomitir u jirta Ukraine la xiray.
Tallaabadan ayay xukuumadda Moscow ku sheegtay mid ku meel gaar ah.
Go’aanka lagu xiray gagida diyaaradaha ayaa loo aaneeyay weerar ay Ukraine ku qaadday gobolkaa si iyadoo adeegsanaysa diyaarad aan duuliye lahayn.
Madaxweynaha dalka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa dhanka kale baajiyay safar lagu waday inuu Jimcada ku tago magaalada Madrid ee dalka Spain.