Ukraine oo xaalad degdeg ah dalkaasi kaga dhaawaaqi doonto

0
1040

Waxaa lagu soo warramayaa in dalka Ukraine uu xaalad degdeg ah ku soo rogayo dhammaan gobollada dalkaasi.
Waxaa sidatan shaaca ka qaaday sarkaal sare oo dhanka ammaanka ah.
Xaaladda degdeg ah waxaa qayb ka ahayn gobollada gooni u goosadka Donetsk iyo Luhansk uu dhawaan Ruushka dalal u aqoonsaday gobolladan.
Sarkaalka sare ee dhanka ammaanka ah oo lagu magacaabo Oleksiy Danilov ayaa sheegay in xaaladda degdeg ah ay shaqeyn doonto muddo 30 cisho ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii loo baahdo muddada xaaladda degdeg lagu kordhin doono 30 cisho oo dheeraad ah.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in baarlamaanka Ukraine laga doonayo inuu si rasmi ah u ansaxiyo xaaladda degdeg ah.
Waxaa la filayaa in go’aankan cod loo qaado maalmaha soo socda.