UK oo sheegtay in ay bisha 9-aad aqoonsan doonto Falastiin

0
411

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay in ay bisha Sagalaad ee sanadkan si rasmi ah u aqoonsan doonaan dowladnimada Falastiin.
Waxaa uu xusay in ay arrintan ka dhabeyn doonaan haddii Israa’iil aynan qaadin tallaabooyin muuqda oo ay ka mid tahay in ay oggolaato in heshiis xabbad joojin ah uu ka dhaqangalo Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Keir Starmer dib ugu yeeray xubnihiisa golaha wasiirrada oo fasax ku maqnaa.
Waxay yeesheen wada hadallo degdeg ah oo ku saabsan xaaladda sii xumaanaysa ee Marinka Qaza.
Ingiriiska ayaa sidoo kale Israa’iil ka dalbaday in ay caddeyso in aynan goosan doonin dhulka Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Israa’iil ayaa sidoo kale laga doonaya in ay xaqiijiso sida ay uga go’an tahay geeddisocod nabadeed oo ku aaddan xalka labo dowladood.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron sheegay in dowladiisa ay bisha Sagalaad aqoonsan doonto qarannimada Falastiin.