Uhuru oo kulan la yeeshay kormeerayaasha doorashada Nigeria

0
273

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay guddiga kormeerayaasha Midowga Afrika ee si dhow ula soconaya doorashada guud ee ka dhacaysa wadanka Nigeria ee (AUEOM).
Guddigan ayaa ka kooban 90 xubnood.
Waxaa uu xubnaha ka codsaday inay doorashada u kormeeraan sida laga doonaya ee ay cadaalad ku dheehan tahay.
Uhuru ayaa kormeerayaasha xusuusiyay in waajibaadka loo igmaday ay tahay xaqiijinta in natiijada ka soo baxdo codeynta Nigeria ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo.