Midowga Afrika ayaa madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta u magacaabay madaxa howlgalka kormeerka doorashada bishan ka dhici doonto dalka Nigeria.
Kooxdan ayaa ka kooban 90 xubnood oo matalaya dalalka ka tirsan AU-da.
Bayaan uu soo saaray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in kormeerayaasha ay isugu jiraan wakiillada ururrada maareeya doorashooyinka , bulshooyinka rayidka , khuburrada madax bannaan , haween, dhallinyaro iyo waaxyaha AU-da.
Ujeedka loo diraya kooxda uu hoggaaminaya Uhuru Kenyatta ayaa ah inay qiimeyn sax oo dhexdhexaad laga yahay ku sameyso geeddisocodka codeynta Nigeria, inay soo gudbiso talooyin la adeegsan karo mustaqbalka sidoo kalena ay muujiso sida Midowga Afrika uu u garab taagan yahay dimuqraadiyadda, nabadda , xasiloonida iyo horumarka Nigeria.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dalkaasi ay doorasho guud ka dhacdo 25-ka bishan labaad.
Ku dhawaad 100 milyan oo qof ayaa u codeyn doono madaxweynaha beddelaya Muxammadu Buhari oo xilka ka degaya ka dib labo muddo xileed oo uu Nigeria hoggaaminayay.