Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa hakiyay booqasho ay qorsheynayeen koox dhallinyaro ah oo ku tagi lahaa gurigiisa Ichaweri ee ku yaalla deegaanka Gatundu ee ismaamulka Kiambu.
Bayaan Axadda maanta ah kasoo baxay xafiiskiisa, oo ay soo saartay xoghayaha isgaarsiinta Kanze Dena, ayaa lagu sheegay in booqashada aan si rasmi ah loo soo wargelin, sidaas darteedna aan la oggolaan karin.
Xafiiska ayaa caddeeyay in Uhuru Kenyatta uusan hadda ku jirin xaalad uu ku qaabili karo kooxdaas. Sidoo kale, kooxda ayaa lagu wargeliyay inay horay ula soo xiriiraan xafiiska si loo fududeeyo qabanqaabada kulan kasta oo mustaqbalka dhaca.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Kenyatta ayaa muujiyay inuu weli diyaar u yahay wada hadal lala yeesho cid kasta, haddii uu ku dhaco si sharaf leh oo xoojinaya midnimo iyo is ixtiraamka.




